Helping Somalis Grow, Invest & Thrive In Our Own Language

Af-Somali Finance waa madal loogu talagalay Somalida doonaya inay fahmaan lacagta, maalgashiga, iyo sida loo dhiso nolol dhaqaale oo wanaagsan.

Lacagta badanaa laguma barto iskuulada, bulshadeena dhexdeedana si fiican loogama hadlo. Dad badan waxay ku koraan iyagoo aan baran sida loo maareeyo lacagta ama loo maalgashado.

Taasi waa sababta aan u bilownay Af-Somali Finance.

Waxaan rabnaa inaan ka dhigno lacagta wax la fahmi karo, oo si fudud loogu sharaxo afkeena.

Ugu dambeyn, hadafkeenu waa hal mid: inaad gaarto Xoriyad Dhaqaale.

About the Founder – Abdillahi Nur

Abdillahi Nur waa aasaasaha Af-Somali Finance iyo entrepreneur doonaya inuu fududeeyo fahamka lacagta ee bulshadeena.

Wuxuu leeyahay khibrad dhanka accounting iyo financial analysis ah, isagoo ka soo shaqeeyay shirkado waaweyn oo Mareykanka ah (Fortune 500). Khibradaas waxay siisay faham dhab ah oo ku saabsan sida lacagta loo maareeyo, loo maalgashado, loona dhiso hanti.

Maanta, wuxuu diiradda saarayaa inuu abuuro content iyo faham fudud oo ka caawinaya Somalida meel kasta oo ay joogaan inay si kalsooni leh u maareeyaan lacagtooda una gaaraan Xoriyad Dhaqaale.

Join the Movement

Xoriyad dhaqaale ma aha kaliya lacag, balse waa hab nololeed kuu saamaxaya inaad u noolaato sida aad rabto ama aad jeceshahay. Haddii si sax ah aad u isticmaashana, waxaad ku gaari kartaa hadafka ugu weyn: Jannah.

Nagala soco YouTube-ka, kuna xidhnow Market Brief-keena isbuucle ah. Ka mid noqo Somalida hiigsanaya horumar dhaqaale.

Signup to Newsletter